Muqdisho, (insidesomalia.org) - Amnesty International ayaa bayaan ay manta soo saartay waxey ku sheegtay in dhibaatooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Soomaaliya ay bartilmaameed u ahaayeen dadka rayidka ah ee ku sugan goobaha ay dirirtu ku dhexmareyso dhinacyada isku haya Dalka Soomaaliya.
Bayaankaani ayaa Hey’addu waxey ku soo bandhigtay xadiga dhibaatada ah ee haatan ka jira Soomaliya iyo dadka ugu badan ee ay mushkiladuhu saameynayaan, iyadoo xustay Hey’addu sida loogu baahan yahay in ay dhinacyada dagaalamaya xuquuqda dadka Soomaaliyeed.
Hey’adaan ayaa si gaar ah farta ugu fiiqday tacadiyada ay geysanaayaan Ciidamada Dowladda KMG ah Soomaaliya iyo kuwa Itoobiyaanka ee ku sugan Dalka Soomaaliya, kuwaas oo ku tumanaaya xuquuqda dadka rayidka ee ku sugan goobaha lagu dagaalamayo.
Hey’adda Amnesty oo ay waxrbixinteedu ka koobnayd 32 Bog ayaa ugu baaqday Dowladda Soomaaliya in ay ixtiraamto dadka rayidka ah ee ay heystaan masiibada Aadanimo xiligaan, iyadoo dhanka kalena sheegtay in Muqdisho oo kaliya ay ku nool yihiin 10,000 oo qof oo rayid ah ay la il daran yihiin dhibaatooyin ka dhashay sicir bararka saameeyay.
Hey’adaan ayaa ka deyrisay xaaladda dadka Soomaaliyeed ilaa iyo wiii ka dambeeyay markii xukunka laga tuuray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre oo dad ka badan 1 Milyan oo qof ay miciin bideen xeryo qaxooti.
Ugu dambeyntii Hay’adaani ayaa ugu baaqday Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiyaanka in ay dhowraan oo ay tixgeliyaan nabadgelyada Dadka Soomaaliyeed ayna damaanad qaadan daganaashaha Dalka Soomaaliyeed.